Shir u dhexeeya Boliiska dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka oo Kismaayo lagu soo gabangabeeyey

Kismaayo (SONNA):- Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta soo xirey shirkii taliyayaasha boliiska dowlad Goboleedyada, kaas oo u dhexeeyey wasaaraddaha amniga dowlad goboleedyada, wasaaradda amniga dowladda FS iyo taliska ciidanka boliiska Federaadka, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey guud ahaan wasaaraddaha amniga iyo saraakiishii ka soo qeyb gashey shirka, isagoo faray saraakiisha in laga shaqeeyo horumarka amni ee dalkeena iyo u adeegga bulshada Soomaliyeed oo la daalaadhacaysa hadimadii ay u geysteen Khawaarijtu.

Taliye Sulub ayaa intaas ku daray in guud ahaan boliiska heerarkiisa kala duwan laga qeyb qaadto dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo boliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka khawaarijta lagula jiro.

Source: Somali National News Agency

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qaadaysa talaabooyin qeyb ka ah fulinta go’aannada NAMLC

Muqdish:-SONNA-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Source: Somali National News Agency

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday hay’adda SIDA

Muqdisho:-SONNA-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee Hey’adda Kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda Iswidhishka ee horumarinta caalamiga ah (SIDA), Swedish international Development Agency.

Wafdigaan waxaa hoggaaminayey Annna Saleem Högberg oo ah Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kadib ay kulan la qateen Guddoomiye Maxamuud macalin abdulle iyo masuuliyiinta kale ee Hey’adda Maareynta iyaga oo ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, arimaha la xariira hawlaha bini’aadannimo, gurmadka deg-deg ah ,abaraha iyadoo masuuliyiintaan dhankooda balan qaadeen in Hey’adda ay ka taagari donaan qalabeenta xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah.

Kulanka kadib Masuuliyiintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Hey’adda Maareynta, waxaana intaas kadib Guddoomiyaha Hey’adda mareynta iyo masuuliyiintaan booqasho ku tageen xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah (NEOC) oo dhowr bil ka hor xarigga laga jaray iyaga oo kormeer ay ku sameyeen kadib halkas ka sameeyey dhir beeris.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Mudane Maxamuud Macallin Abdulle ayaa uga warbixiyay howlaha la taaban karo ay Haydda SoDMA Qabatay bilaha aadka u yar ee Hay’adda SoDMA jirto , kagana mahadceliyay si guud dowlada Sweden howlaha ballaaran ay dalka ka qabteen ay ugu horeeyaan mashaariicda Hormarinta, gargaarka, si qaas na ugu mahadnaqay Madaxda Haydda SIDA si wacan ay ugu taageereen dowlda soomaaliya dhisida xarunta qaran ee Howlkalka Gargaarka Degdega NEOC oo ay dhawaan dhisamheeda soo dhamaaday.

Source: Somali National News Agency